Khamiis, October 30, 2008(HOL): Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa qoraal ay soo gaarsiiyeen HOL waxaa ay kagaga hadleen aragtidooda heshiiskii maalmo ka hor ay ku kala saxiixdeen Dalka Jabuuti Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysigga dib u Xoryanta Soomaaliya.
Qoraalka oo ahaa mid aad u dheer ayay Odyaashu ku sheegeen in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heshiiskii ay dhawaan Dalka Jabuuti ku kala saxiisdeen Ergo ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya, waxaana uu qoraalku intaas ku darayaa in Qodobada ku aadan ka bixitaanka Ciidamadda Itoobiya ee goobaha dadka rayidka ah yihiin kuwo u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hergaliyo si loo soo afjaro sida qoraalka lagu dhiga-dirirta joogtada ah ee u dhaxeysa kooxaha kacdoonka wada iyo Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay baahida loo qabo in dhinacyada oo dhan u hirgaliyaan miraha ka soo baxay kulanka Jabuuti oo ah kuwo muddo dheer laga dhur sugayay ''Haddii ay ahaan la haayeen Mas'uuliyiinta joogta Asmara iyo kuwa ku sugan gudaha dalka, waa in la eego mar walba waxa danta shacabku ku jirto iyadoo meel lasyka dhigayo Is-qoonsiga siyaasadeed ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan.
Dhinaca kale waxaa ay Odayaashu sheegeen in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay kaalin muuqato ka qaadato sidii loo dhameystiri lahaa hirgalinta waxyaabaha leysku afgartay, gaar ahaan arinta ku saabsan ammaanka oo ah mid dhinaceeda waxyaabo badan ka khuseynayaan.
Waa markii ugu horeysay oo ay Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan soo saaraan Qoraal lagu ayidayo heshiiskii dhawaan lagu gaaray Dalka Jabuuti, waxaana xusid mudan in markii uu soo baxay warka ku saabsan heshiiska Dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne si weyn u taageereen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia