Dawladda Jabuuti oo dawayn ugu deeqday Dadkii dhaawacu ka soo gaaray Weerarradii lagu qaaday Hargeysa

Khamiis, 30 October 2008 (HOL): Dawladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay dadkii dhaawacu ka soo  gaadhay Weeraradii ka dhacay Somaliland ee aan gargaarka-caafimaad loogu fidin Karin gudaha Somaliland ay ugu deeqday in lagu daweeyo Dalkooda.

Sida uu maanta sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ka hadlay Shir-jaraa’id oo ay xubno Wasiiro ahi ku qabteen Hargeysa, Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Dawladdiisu wixii taageero ah ee ay fidin karto la garab-taagan tahay Somaliland, isla markaana ay ugu deeqayso dadkii dhaawacu ka soo gaadhay Weeraradaa ee aan Somaliland lagu dawayn karin.

 Waxaanu Madaxweynaha Jabuuti sidaa ku sheegay mar uu shalay la soo hadlay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waa sida Wasiirku sheegaye, si uu umadda reer Somaliland iyo guud ahaan Caalamkaba uga tacsiyadeeyo Weerarada ka dhacay Somaliland. “Madaxweynaha Jabuuti waxa uu la soo hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland..Taakuladii u horraysay waxa uu dhaawacii ugu deeqay in lagu daweeyo Cusbatalka Faransiiska ee dalkiisa oo ina qalab dhaama.” Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale. Waxaanu sheegay in weeraradani aanay ahayn kuwo wax u dhimaya geeddi-socodkii Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Somaliland ka hirgeshay.

Dhinaca kale, waxa uu Wasiirku sheegay  in Dawladda Ingiriisku ay la soo xidhiidhay Xukuumadda Somaliland oo ay uga tacsiyadeeyeen umadda Somaliland dhibta ka dhalatay Weeraradii Somaliland lagu soo qaaday.
 
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland