Khamiis, October 30, 2008(HOL): Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Daahir Caddow Calasow ayaa dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabelaha Dhexe kadib markii uu ka soo qeybgalay shirkii Jibouti ee ay heshiiska ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Shiikh Daahir oo safar dhinaca dhulka ah ku soo maray Gobollada Dhexe ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka iyo weliba Odayaal iyo Waxgarad ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo uga hortegay Deegaanka Fiidow.
Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo uu sii daayay Guddoomiyaha oo ku saabsan shirkii uu Jibouti uga soo qeybgalay, waxaase la filayaa in uu maanta ka warbixiyo safarkii uu Jibouti ku tegay iyo sababtii keentay in uu halkaas u amba baxo.
Shiikh Daahir ayaa la ogaa isagoo ka soo horjeeda Wada hadalladii Jibouti mudada uga socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti, waxaase laga yaabaa in uu Jibouti ku tegay is-faham dhexmaray Madaxda Isbaheysiga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia