![]() |
| Qof ku dhaawacmay Qaraxyadii Hargeysa oo loo gurmanayo |
Waxa gebi ahaanba la adkeeyay ammaanka goobaha qaraxu shalay ka dhacay, iyada oo Gaadiid Tikniko ahi ku sugan yihiin Waddooyinka gala ama ka baxa goobahaas, gaar ahaan Madaxtooyada Somaliland. Dadweynaha ayaa ah kuwo ku mashquulsan aaska Dadkii ku dhintay Weeraradan qaarkood oo ay eheladoodu aasayaan, inkasta oo ay Masuuliyiinta Dawladda Somaliland ay shaaciyeen in aas Qaran loo samaynayo dadkii ku dhintay Weeraradan. Dadweynaha Wejiyadooda ayaad ka dheehan kartaa murugada iyo raadadka Weeraradani ku yeesheen, iyaga oo sheekada ugu badan ee ay Dadweynuhu hadal-hayaan ay tahay Weeraradan aan hore looga arag Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa Guddi Qaran u saartay aaska dadka ku dhintay Weeraradan. Iyaga oo Guddiga dadka soo jeeda Beelaha Hawiye ee ku sugan Somaliland ay Warsaxaafadeed ay soo saareen maanta ay ku sheegeen in Weeraradan dhacay ay ahaayeen kuwo laga xumaado, isla markaana ay ka xun yihiin.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland
