![]() |
|
Xarunta uu shirka ka socdo ee Kenyatta International Conference Center (KICC) |
Furitaankii shirka waxaa ka hadlay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Kenya iyo Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in ay shirkan qabteen kadib markii Dowladdii loo soo dhisay Soomaaliya ay wax qaban weysay, sidaas darteedna ay isugu yeereen Xubnaha Dowladda Federaalka.
Wasiirrada ma aysan faah-faahin rasmi ahaan waxyaabaha looga hadli doono shirka Xubnaha TFG-da iyo IGAD, waxayna kaliya ku gaabsadeen in ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto xaaladda dalka Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd Ammaanka, Siyaasadda iyo weliba Kooxaha Burcad Badeedka ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen ayaa sheegay in dalkiisa ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, sidaas darteedna uu wel wel ku hayo qalalaasaha siyaaso iyo ammaan ee ka taagan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalkiisa uu diyaar u yahay in Ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo isna furitaanka Shirka ka hadlay ayaa wuxuu u mahadceliyay Urur Goboleedka IGAD, wuxuuna sheegay in gunaanadka shirka IGAD iyo Dowladda Federaalka ay soo bixi doonto natiijo wanaagsan.
Sidoo kalena, waxaa furitaanka Shirka ka hadlay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo ka hadlay wada hadalladii lagu soo gebagebeeyay dalka Jibouti ee ay heshiiska ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta. Ould-Abdallah waxaa uu rajeeyay in shirkan loo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qiimeyn doono Heshiiskii Jibouti.
Shirka oo kaliya furitaankiisa lagu dhawaaqay ayaa la isugu soo laaban doonaa galabta 5-ta galabnimo, xiligaasi oo rasmi ahaan la guda geli doono ajendayaasha Shirka loogu yeeray Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, waxaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhex ee Isbaheysigaas Shariif Xasan Shiikh Aadan. Lama oga ujeedada socdaalka madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta, hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in ay casuumaad ka heleen Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha Shirka IGAD iyo TFG-da kala soco halkan Haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
