Haweeney qiratay in ay Zineysatay oo dhagax lagu dilay magaalada Kismaayo

Talaado, October 28, 2008 (HOL): Magaalada Kismayao ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose oo uu ka taliyo maamul Islaami ah ayaa waxaa shalay ka dhacay fal xukun xad ah lagula fuliyay haweeney qiratay in ay zineysatay iyadoo horay guur u soo martay.

Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa saxaafadda u sheegay in Haweeneydan oo qiratay in ay zineysatay lagu fuliyay xukun xad ah, wuxuuna sheegay in xukunkaas uu ahaa midkii ugu horeeyay oo Gobollada Jubbooyinka ka dhaca.

Haweeneydan xukunka xadka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabay Caa’isha Ibraahim Dhuxulow ayaa waxaa xukunkaas lagula fuliyay fagaaraha Isbartiibo Vecchio oo ku taala Magaalada Kismaayo, waxaana daawashada dilka haweeneydaas ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan.

Wuxuu ahaa xukunkii  ugu horeeyay oo dil xad ah oo ay fuliyaan maamullada Islaamiyiinta ah tan iyo markii ay soo shaac baxeen horaantii sanadkii 2006, xiligaasi oo ay ka awood roonaadeen hoggaamiye kooxeedyo ka talin jiray deegaanno badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Laakin Maxkamad Islaami ah oo bartamihii sagaashamaadkii laga sameeyay deegaano ka tirsan W/Muqdisho ayaa waxay fulisay xukun midkan la mid ah, kaasi oo lagu fuliyay nin horay guur u soo maray oo haweeney kufsaday.

Shareecada Islaamka ayaa waxay dhigeysaa in haddii qofka guur soo maro oo uu hadana zineysto in dhagax lagu dilo, halka marka uusan guur soo marin balse uu zineysto lagu dhufanayo boqol garbaash.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia