Talaado, October 28, 2008 (HOL): Maalintii shalay ayaa Sadex dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado waxaa ay weerar ku soo qaadeen Xafiis Magaalada Beledweyne ay ku laheyd Shirkadda Sigaarka ka Ganacsata ee Business Royal.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markiiba waxay ilinka hore ee Xafiiska Shirkadda oo aan ka fogeyn Sadhigga Baliiska Magaalada Beledweyne ku toogteen mid ka mid ahaa Mas'uulyiinta Sar sare ee Shirkadda kaa oo lagu magacaabi jiray Saleebaan Weyrax.
Intaas kadib waxaa mar kaliya kacay shacabka Magaalada oo siweyn uga xumaaday qaabka dilku u dhacay kuwaasoo si ay u qabtaan kooxda weerarka geystay ku weeraray wax kasta oo ay heli kareen, waxaana arintaa ay u sahashay Ciidamada Midowgga Maxkamadaha in ay gacata ku dhigaan labo ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday kaasoo mid ka mid ah lagu dilay isla goobta falku ka dhacay.
Laakiin waxaa xusid mudan in hardankii u dhaxeeyay shacabka Magaalada iyo kooxaha weerarka soo qaaday ay ku geeriyootay qof Dumar ah oo taagneyd goob Cabitaanka lagu iibiyo halka 5 Ruuxna uu dhaawac soo gaaray
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa tallaabada la qaaday Maalintii shalay waxaa ay ku abuurtay Niyad sami la xiriiirta in mar walba laga hortagi karo kooxaha geysta falalka lagu u gaarsado dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan haddii ay is-kaashadaan iyaga iyo Ciidamada Midowga Maxkamadaha.
"Suurtagal ma'aha in maalin cad Magaalada gudaheeda dadka laysaga dilo kadibna laysla dhaxmaro lama yaqaan kuwa dilka geystay”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo intaa raaciyay in tallabada la qaaday ugu yaraan wax ka tiri karto yareynta dilalka soo noq noqday.
Horaantii Bishan aynu ku jirno ayay aheyd markii kooxo hubeysan bartamaha Magaalada Beledweyne ku toogteen Alle ha u Naxariistee Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow kaasoo ilaa hadda aan la ogeyn kooxaha geystay dilkiisa.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Business Royal oo lagu Magacaabo C/fitaax isla markaana uu adeer u ahaa Maruunka la dilay ayaa sheegay in uu jiray muran shirkadda dhaxdeeda ah, isaga oo intaa raaciyay in uu tuhusan yahay in falkan laga soo abaabulay sida uu hadalka ku dhigay Somaliland inkastoo uusan bixin faahfaahin intaa ka badan.
Falka maalintii shalay dhacay ayay dad badani u arkayeen in uu ahaa mid meesha ka saaray tuhumo horay loo qabay oo ahaa in inta abadan dilalku yihiin kuwo ku saleysan Siyaasadaha is-diidan ee dalka ka jira, laakiin waxaa muuqeyneysa in dilalku noqon karaan kuwo la xiriira sad-bursi Dhaqaale iyo waliba xitaa mar marka qaar aano Qabiil.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia