Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo maanta shir ku leh magaalada Nairobi

Talaado, October 28, 2008 (HOL): Xarunta Caalamiga ah ee Shirarka ee Kenyatta  (KICC) ayaa waxaa saaka ku sii qul-qulaya  Madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo shir la leh Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD.

Xildhibaannadan oo shalay loo sameeyay Kaararka Aqoonsiga si aaney ula kulmi caqabado uga imaan kara dhinaca ciidamada ammaanka iyo weliba ka gelitaanka Xarunta KICC ayaa ilaa iyo haatan waxaysan la soconin waxyaabaha loogu yeeray ee ay IGAD kala hadleyso.

Inkastoo aan la shaacin waxyaabaha looga hadlayo shirkan u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD hadana wuxuu sheegay Afhayeen u hadlay IGAD oo lagu magacaabo Brazille Musumba in ajendayaasha shirka u dhaxeeya TFG iyo IGAD ay meel sare uga jiraan Nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay jiraan warar sheegaya in shirka looga hadli doono Siyaasadda Soomaaliya iyo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Marka uu furmo shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa la ogaan doonaa rasmi ahaan waxyaabaha loogu yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya min madaxda sare ilaa Xubnaha Baarlamaanka dhamaantood.

Kala soco halkan wixii ku soo kordha Shirka Kenya ee u dhaxeeya TFG-da iyo IGAD

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia