Talaado, October 28, 2008 (HOL): Taliye ku xigeenkii Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa saaka waxaa uu ku geeriyooday qarax loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Gaariga Qaraxa lala beegsaday ee uu Taliye ku xigeenka saarnaa ayaa waxaa sidoo kale wax ka saarnaa guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Ammaanka Maxamed Maxamuud Cilmi, kaasi oo la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.
Goobta qaraxa lagula beegsaday Taliye ku xigeenka oo ah nawaaxiga Hotel Burco ee Magaalada Marka ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo baaritaanno ka sameeyay goobta, inkastoo aan la soo sheegin cid ay howlgalkaas ku soo qabteen.
Dilka loo geystay Taliye ku xigeenkii Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmo ka hor uu Taliye ku xigeenka amar ku bixiyay in aan gudaha Magaalada Marka lagu qaadan karin wax hub ah, isagoo sheegay in ay amarkaas u soo saareen sabab la xiriirta ammaanka Magaalada Marka oo ay wax ka qabanayaan.
Ammaanka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhawaanahan sii xumaanayay waxaana ka dhacay dilal iyo qaraxyo lala beegsadya madax Hay’ado samafal, kuwaasi oo ay ku jireen kuwo hoos-taga Qaramada Midoobay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia