Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in aysan dhexdhexaad ahayn Culumaa’udiin sheegay in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isk-baheysiga dib u xoreynta Soomaaliya

Talaado, October 28, 2008 (HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxmed Siyaad Indha-Cadde oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aysan dhexdhexaad ahayn culumaa’udiin Soomaaliyeed oo shalay Muqdisho ka sheegay in ay qabanayaan shir ay ku dhexdhexaadinayaan dhinacyada is-khilaafay ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Shiikh Yuusuf waxaa uu sheegay in Culumaa’udiinkaas ay ku jiraan kuwo la safan Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti, isla markaana sida uu u yiri dhowr jeer safarro la galay, sidaas darteedna waxaa uu carrabka ku dhuftay in aysan dhexdhexaad noqon karin.

Waxaa kale oo uu ka soo horjeestay Shiikh Yuusuf Indha-cadde Shir ka dhacay Dalka Yemen oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay Madaxdii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in xubnihii shirkaas qabtay aysan si daacad ah u gelin arrinta, “Waxaa laga rabay in ay kala caddeeyaan labada dhinac ee is-haya ciddii qaldan, shacabkana ay u soo gudbiyaan, taasina ma dhicin”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo sii hadlayay waxaa uu sidoo kale mid aan natiijo ka soo bixin ku tilmaamay kulan ay hoggaamiyayaasha xoogagga ka dagaallama gudaha Soomaaliya ay  ku yeesheen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in la isku ogaa in guddi lagu magacaabay Shirkaas loo gudbiyay xubnaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka wixii gudaha dalka ka jooga, “Arrintaas waxaa hor-istaagay oo in ay meel-marto diiday Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ahaa gacan u adeegeysa Shiikh Shariif, hadana ah”ayuuna Shiikh Yuusuf Indha-Cadde

Ugu dambeyntiina Shiikh Yuusuf Indha Cadde waxaa uu ka hadlay heshiiskii ay dorraad dalka Jibouti ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheyisga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in ciddii wax ku darsata oo la midowda dowladda federaalka ay iyadana ula mid noqon doonto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia