Maamulka Puntland oo soo dhaweeyay heshiiskii ay dhinacyada Somaalida ku gaareen dalka Jabuuti

Talaado, October 28, 2008 (HOL): Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dibu xoreynta ku gaareen Dalka Jibouti.

Wasiiru dawlaha amniga DGPL Jaamac Xirsi Faarax ayaa sheegay in heshiiskaasi haddii la taaba-galiyo ay wax iska bedeli doonaan xaaladaha kala duwan ee dalka.

Jaamac Xirsi Faarax Wasiiru Dawlada Amniga Puntland ayaa intaasi ku daray in heshiiska Soomaalida ay gaareen uu yahay mid muddo la sugayay si loo dhameeyo dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira.

"U malayn maayo in ay jiri doonaan khilaafaadyo kale mar haddii ay Soomaalida is-fahmeen  Sidaasi waxaa yiri Wasiiru Dawlaha Amniga Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso.

Beryihii u dambeeyay waxaa dalka Jabuuti ka socday shir  u dhaxeeyay guddiyo ka kala socday dhinacyada Dawlada Federaalka iyo Isbahaysiga Mucaarada, kaasi oo markiisi dambe lagu gaaray qodob ay ugu muhiimsaneyd xabad joojin labada dhinac ah.

Maamulka Puntland oo ah oo taageera Dowladda Federalka Soomaaliya dhinac walba ayaa haddana hadalkan ka soo baxay Wasiiru dawlaha amniga Jaamac Xirsi Faarax waxa uu dhiiri-galin u noqonayaa Soomaalida is-fahantay.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia