
Talaado, October 28, 2008 (HOL): Shirka golaha baarlamaanka Afrika oo maanta ka furmey xaruntiisa Midrand, Johannesburg ee Pan African Parliament ayaa waxaa qudbad dheer oo uu ka jeediyey guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Dalka Tanzania Jakaya Mrisho Kikwete, waxaa uu si weyn ugu soo hadal qaaday dagaallada iyo amaan darrada Soomaaliya ka taagan oo uu sheegey in ay tahay in wax laga qabto, sidoo kale ajandayaasha ugu muhiimadda saaray ayaa ah in dhamaanba xoogga la saaro dhibaatooyinka ammaan darri ee ka jira Qaarada Africa.
Shirkan ayaa ah kii tobanaad ee caadiga ah ee Golaha Baarlamaanka Wadamada Afrika ku yeeshaan xaruntooda Pan African Parliament, iyadoo maalinta berri ah looga hadli doono xaaladda ammaan oo kaliya
Waxaa shirka furey madaxweynaha Tanzania, ahna gudoomiyaha sanadkaan ee ururka midowga Afrika, Jakaya Mrisho Kikwete oo kullanka ka jeediyey qudbad hal saac qaadatay oo dhinacyo badan taabanayay, waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee uu ku soo qaaday qudbadiisa ayaa ahayd arrimaha xasilooni darrida Wadamada qaaradda qaarkood, oo uu dhowr jeer ku soo celcelshey Soomaaliya iyo Darfur, wuxuuna sheegey in ay tahay in qaaradda ay go'aan mideysan ka qaadato arrimaha Soomaaliya, lana garab istaagto wixii taageero ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha hormarka Qaaradda oo uu sheegey in aysan wax saameyn ah ku yeelan qalalaasaha dhaqaale ee maanta aduunka ka jira
Ugu dambeyntiina, Xildhibaan Ibraahim Nuur Xabeeb oo ah Xildhibaanka kaliya ee ka socday Soomaaliya ee shirkan ka qeybgalay ayaa u sheegay Saxaafadda in uu wax weyn ka filayo shirka, ajandahana uu yahay mid xoogga lagu saarayo Nabadeynta Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa kulamo la yeeshey madaxweynaha baarlamaanka Yurub oo Kulanka ka soo qeybgalay, wuxuuna sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay mas'uuliyiin sar sare oo Wadamo badan ka kala socday.


Saciid Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South, Africa