4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Madax-dhaqameedyo ka socday Sool & Sanaag iyo Ujeeddada Socdaalkooda (SAWIRRO)


Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxwayne ku xigeenkiisa Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si wada jir xarunta madaxtooyada ugu qaabilay wefti uu hogaaminayay garaad Cabadilaahi Maxamed Guuleed oo ah madax dhaqameedka koonfurta Sanaag.

Waftigan uu hogaaminayay garaadka beesha deegaanka Fiqi-Fuliye Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo ay weheliyaan xubno isugu jiray salaadiin, cuqaal, jiif Caaqilo, madax dhaqameed, aqoon yahano iyo waxgarad kale oo ka tirsan bulshada deegaankaasi, ayaa ka soo kicitimay gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanka Fiqi fuliye ee koonfurta magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Madax dhaqameedka deegaamadda bariga Somaliland ayaa markii ay madaxweynaha la kulmeen ka dib ka waramay ujeedada socdaalkooda iyo arrimahay u yimaadeen magaaaladda Hargeysa.

Afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ka warbixiyey kulankii madaxweynaha iyo madax dhaqameedkan, waxaanu sheegay inuu madaxweynuhu u soo jeediyey salaadiinta in wax kasta oo xumayn kara horumarinta deegaanadaasi bariga la iska ilaaliyo, isla markaana xukuumaddu diyaar u tahay wax kasta oo loo qabanayo dadweynaha ku dhaqan deegaanada bariga.

Afhayeen Dhuxul ayaa intaas ku daray in xukuumaddda Somalialnd ay dhowaan lix boqol oo maleeshiyo beeleedkii deegaankaasi Fiqi fuliye ka hawlgali jiray ay qaramaysay, isla markaana lagu daray ciidamadda militariga ee Somaliland, kuwaas oo xaquuqdii ciidamadda iyo mushaharkoodiiba loo bilaabay.

Dhinaca kale, Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo ahaa garaadka hogaaminayay weftigan oo isna halkaasi warbaahinta kula hadlaya ayaa ka waramay kulankaasi ay madaxwaynaha iyo ku xigeenka la yeesheen iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen.

“Imaatinkayagu wuxuu ka danbeeyay heshiiskii dhawaan ka dhacay degmada Fiqifuliye, halkaasi oo aanu qaybo dawlada ka mid ahna isku aragnay, iyada oo halkaasi la noogu fidiyay casuumaad in aanu ku nimaadno caasimada Hargaysa, si aanu u dhamays tirno heshiiskaasi ay qaybtiisii hore. Kulankayagani wuxuu ku saabsanaa soo dhawayntii lana soo dhawaynayay, kaasi oo ka soo bilaabmay Caynaba,Burco, Sheekh, Berbera iyo ilaa Hargaysa”ayuu yidhi Garaad Cabdilaahi Guuleed oo ka hadlayey ujeedada ay magaaladda Hargeysa u yimaadeen iyo kulanka madaxweynaha la yeesheen.

Garaad C/laahi Maxamed Guuleed waxa kale oo sheegay in casuumada loo fidiyay iyo imaatinkooda Hargaysa ay u arkaan talaabo wanaagsan oo dadka isku soo dhawaynaysa, waxaanu tilmaamay in ay xukuumada Somaliland heshiiska la galeen ka dib markii ay ogaadeen baahida ay bulshadu isku qabto.

“Waxaanu ugu baaqaynaa dadka kale ee naga danbeeya ee beelahayaga ka midka ah iyo kuwa gobolada barrigaba halkan  ayay wax inoo yaalaan ee haddii uu qofku meel aanay waxba u oolin wax ka doon-doono runtii dhibaato weeyi, markaa waxa fiican haddii uu qofku wax doonayo in uu meesha ay wax u yaalaan ka doon-doono, markaa waxaanu ugu baaqaynaa anagaba waad na aragtaan ee naga dabakaalaya ceebna ma aha”ayuu Garaadku ku daray hadalkiisa.

Booqashadan madax dhaqameedkan ka soo kicitay qaybo ka mid ah Sool iyo Sanaag, ayaa ka dambeeyey heshiish ay xukuumadda wada gaadheen, ka dib markii lix boqol oo maleeshiyo ka tirsan deeganaadi ku soo biiraan ciidanka Somaliland, waxaanay xuseen inay heshiiskaasi wixii ka dhiman la dhamaystiri doonno.





Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland