4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Baarlamaanka Somalia oo Sannad Jirsaday iyo Guddoomiyaha oo ka hadlay wixii u Qabsoomay Muddadii Sannadkan ahayd

Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa jirsaday muddo hal sano ah, iyadoo guddoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sheegay inay wax badan u qabsoomeen halkii sano ee ay shaqeynayeen.

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira ayaa waxaa soo xulay odayaal-dhaqameed laga keenay gobollad dalka, waxaana uu ka kooban yahay 275 kursi, iyadoo la dhaariyay 20-kii Ogoosto ee sanadkii 2012 si uu waajibaadkiisa qaran u guto.

“Hawlo badan ayaa noo qabsoomay sannadkii aan jirnay, waxaana ka mid ah doorashada madaxweynaha, ansixinta xukuumadda iyo dejinta sharciyo uu ku shaqeynayo baarlamaanka tan iyo 2016” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in howlo badan ay horyaallaan baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay in howlihii ay horay u soo qabteen ay ka mid yihiin dajinta miisaaniyadda uu ku shaqeynayo Golaha Baarlamaanka iyo ansixinta miisaaniyado ay xukuumaddu usoo gudbisey.

“Baarlamaanka shaqadiisu waa sharci-dajin iyo la socodka howlaha ay uu golaha fulintu qabanayo, waxaana jira guddi hoosaadyo uu baarlamaanku leeyahay, kuwaasoo la soconaya howlaha xukuumadda,” Prof. Jawaari ayaa yiri.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ay dhawaan ansixiyeen sharciyo ay u soo gudbisay xukuumaddu, ayna jiraan kuwo kale oo u harsan, isagoo sheegay in howlaha baarlamaanka horyaalla ay ka mid yihiin sidii dalka looga hir-gelin lahaa doorasho dad-weyne.

“Qorshayaasha na horyaalla waxaa ka mid ah sidii afti qaran oo guud looga qaadi lahaa dalka, sida ansixinta Dastuurka iyo in mas’uuliyiinta dalka ay ku yimaadaan doorasho dad-weyne, taasna waa howl adag, balse dadaal ayaan ugu jirnaa inaan hirgelinno,”

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu heshiis mataaneyn ah lasoo saxiixday baarlamaanka dalka Uganda, heeshiiskaas oo  qodobbadiisa ay ka mid yihiin in labada baarlamaan ay si toos ah xogaha isu dhaafsadaan ayna wada-shaqeyn joogto ah yeeshaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya