4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar ku saabsanaa Maamul dhisidda u soo xiray Shaqaalo ka tirsan Wasaarada (SAWIRRO)


Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradda tababar ku saabsan maamul dhisida iyo dib u heshiisiinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada arrimaha gudaha, gacanka ay ka geysatay hay'adda CRD ayaa muddo saddex maalmood socday, iyadoo shaqaalaha lagu baray habka maamul dhisida iyo dib u heshiisiinta.

Qaar ka mid ah shaqaalihii ka faa'ideystay tababarkan ayaa sheegay in wax badan ay ka kororsadeen tababarka gaar ahaan habka maamul dhisida, dib u heshiisiinta iyo nidaamka federaalka ee ku dhisan maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tababarka ayaa ku ammaanay shaqaalaha sida ay ugu dhabar adaygeen muddadii uu socday tababarka, kana kororsadeen khibrado iyo casharro ay ka jeediyeen khubaradii wax ka waday tababarka oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi.

Guuleed ayaa sheegay in tababarkan uu lahaa afar muhiimadood oo gaar ah, kuwaasoo uu ka xusay in loo baahan yahay in habka maamul dhisidda dalka yo qofka wax ka noqonaya uu xubin kasoo noqdo golaha deegaanka, markaa kaddibna u gudbo heer gobol, isla markaana uu ku imaanayo doorashada guddoomiyeyaasha golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhawaan la guda-geli doono qorshaha maamul u sameynta degmooyinka, isla markaana loo gudbi doono midka gobollada, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay olole u galaan deegaankooda sidii looga soo dooran lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay hay'adda CRD iyo hay'adda CDI oo tababarkan gacan weyn ka geystay. Isagoo ugu dambeyn shaqaalihii tababarka ka faa’iideysay guddoonsiiyay shahaadooyin.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya