7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2024
Somaliland oo uga digtay Turkiga in ciidamadiisa baddu ay usoo gudbaad xeebaheeda
 

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in anay ogolaandoonin in Ciidamada Badda Turkiga ee la rajaynayo in ay yimaadaan xeebaha Soomaaliya ay usoo gudbaad xeebaheeda.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa lagu baahiyay diidmada Somaliland ee imaanshaha ciidamada Turkiga, xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Turkigu aanu ciidamo keeni karin xeebaheeda.

"Dowlada Somaliland waxay si adag uga soo horjeeda in ciidamo la keeno xeebaha la aqoonsanyahay ee Somaliland, kuwaaasi si cad ugu xusan sharciga caalamiga ah, isla markaana muhiim u ah madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa qoraalka lagu sheegay in  Somaliland ay beesha caalamka ugu baaqayso in la ixtiraamo xuduudaha badda. Isla markaana laga wada hadlo waxkasta oo caqabad ah, lana ixtiraamo xeerarka caalamiga ah ee maamulka baddaha.

"Somaliland waxa ka go'an in ay kobciso xidhiidhka wada shaqayneed ee ay la leedahay dhammaan ummadaha oo ku salaysan is ixtiraam iyo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha inay taageeraan dadaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka" ayaa markale lagu yidhi qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay in 20 kii sanno ee lasoo dhaafay ay badaheeda ka difaacday budhcad badeeda, tahriibinta dadka, isla markaana ay ilaaliyaan ciidamadeeda badda oo kaashanaya kuwo waddamo shisheeye, kuwaasi oo si joogta ah kormeer ugu sameeya xeebaheeda.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxeexday heshiis ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ciidamada Turkigu ay ku ilaalindoonaan xeebaheeda, isla markaana ay labada dal kaga wada faa'iidaysan doonaan khayraadka badda.