7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2024
Hirshabeelle oo ka hadashay ciidamada Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyay gobolka Hiiraan
 

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore, ayaa ka hadlay walaaca la xiriira Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo dhawaan soo galay Gobolka Hiiraan.

Wasiir Karoore ayaa xaqiijiyay in joogitaanka ciidamadan ay ka war hayeen maamulka Hirshabeelle ayna la xiriirto ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS ee degmada Maxaas.

“Ciidanka Itoobiya ee ka soo gudbay xadka Feerfeer, sida naloo sheegay, waxay isugu jireen ciidamada ATMIS-ka iyo ciidamo dheeraad ah si ay u caawiyaan dhaqdhaqaaqooda,” ayuu yiri wasiir Karoore. Waxa uu caddeeyay in ujeedka joogitaanka ciidamada ay tahay in la xaqiijiyo in ciidamada ATMIS ee dalka laga saarayo ay si nabad ah ku maraan Hiiraan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo kuwa deegaanka ay xiriir la sameeyeen ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo u xaqiijiyay in ay si nabad ah ku mari doonaan.

"Shalay way yimaadeen, maantana haddii ay baxayaan, uma baahnin wargelin gaar ah. hawshoodu way dhammaatay, waxaana la filayaa inay baxaan,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Joogitaanka ciidamada Itoobiya oo lagu qiyaasay ilaa 6,000 oo askari, ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa, iyadoo ay aad u badan yihiin marka loo eego 500 oo askari oo ATMIS ah oo dalka laga saaray.