7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka degmada Xudur
 

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan degmada Xudur kaga beegan dhanka bari 20 KM.

War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanka Abagbeeday oo hoostaga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan Aragagaxisada. Abagbeeday oo qiyaas 20km dhanka beri kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo argagaxisada waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Weerarkaan saakay ka dhacay duuleedka degmada Xudur oo aysan shaacin dowladda tirada rasmiga ah ee kooxda looga dilay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalin ka hor dagaalo ka dhacay Jubbada Hoose lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsana kooxda, islamarkana xubno kale nolosha lagu qabtay.