7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2024
Dowladda Itoobiya oo ka hadashay hubkii lagu qabtay Caabudwaaq
 

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa markii u horreysay ka hadashay Hub dhawaan lagaliyay Soomaaliya, kaas oo laga galiyay dhinaca Xuduudda Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya.

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa Warbaahinta u sheegay in arrinta hubkan aysan xidhiidh la lahayn Itoobiya isla markaana ay masuuliyad ka saaran tahay Dowladda Soomaaliya oo leh awoodda maamulka hubka, maareyntiisa iyo bixintiisaba.

Dhinaca kale Afhayeenka oo ay Warbaahintu wax ka waydiisay in dowladda Itoobiya ay hubkan ka iibisay Dowladda Soomaaliya, amase ganacsato gaar ah laga iibiyay hubkan, waa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo arrintaas.

Hubkan oo maalmo ka hor lasoo galiyay Soomaaliya gaar ahaan Caabudwaaq ayaa sida ay Warbaahintu sheegtay waxaa laga soo qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaal magaalada Godey ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya iyo  Maamul goboleedka Galmudug oo ka hadlay arrinta hubkan ayaa sheegay in hubkan ay dalka soo galinayeen ganacsato ka shaqaysata waxyaabaha aan sharciga ahayn.

Dadka ayaa su'aalo iska waydiinayay sababta ay Dowladda Itoobiya uga gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso hubkan Soomaaliya looga soogaliyay dhinaca Itoobiya.