7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2024
Garowe: Natiijada horudhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka gobolka Nugaal oo la shaaciyay
 

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta waxay ku dhawaaqeen natiijada horudhaca ah ee doorashooyinkii golayaasha deegaanka saddexda degmo ee gobolka Nugaal, sida Garowe, Dangorayo Godobjiraan.

Xisbiga Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweyne Deni, ayaa 12 kursi ka helay doorashada ka dhacday degmada Garowe. Sidoo kale xisbiga Horseed oo kusoo xiga ayaa helay 6 kursi.

Xisbiga Sincad ayaa isaguna helay 5 kursi, halka xisbiyada kala ah, Mideeye, Shaqaalaha, Runcad, Mustaqbal iyo Ifiye ay wada heleen min labo kursi.

Tirada guud ee golaha deegaanka ee degmada Garowe oo ah 33 xubnood, ayaa 9 kamida ah waxaa kusoo baxay haween.

Xisbiga Kaah oo haysta codadka ugu badan oo ah 12 kursi, ayaa u baahan 5 kursi si uu ugu guulaysto duqa degmada Garowe. Waxaa horey loo filayay inuu heli doono codad ka badan kuwa haatan uu haysto.

Degmooyinka Godob Jiraan iyo Dangorayo, xisbiyada Kaah, Horseed iyo Sincad ayaa waxay heleen codad isku dhow dhow. Waxayna u muuqan doontaa in xisbiga Kaah uu isbahaysi la samaysan doono xisbiyadan.

Xisbiga Horseed oo uu guddoomiye ka yahay wasiirka deegaanka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay in xisbigiisu uusan ahayn mucaarad, balse uu dowlad wadaag ka yahay xukuumadda madaxweyne Deni.

Badi dadka indha indheeya siyaasada waxay rumaysan yihiin in Kaah iyo Horseed ay isbahaysi ku noqon doonaan cidda loo dooran doono guddoomiyayaasha saddexda degmo.