7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2024
Midowga Yurub oo adkaynaya Viisaha dal ku gal ee la siiyo muwaadiniinta Soomaalida

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (HOL) - Guddiga Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka ee lasiiyo muwaadiniinta Soomaalida.

Qoraal rasmi ah oo uu Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo.

Ujeeddada tillaabooyinkan ayaa ah dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaalida ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray Midowga Yurub iyagoo aan haysan dukumentiyo sax ah.

Soomaalida ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa lacag badan oo fiisaha Midowga Yurub ee loo yaqaano Schengen ah, waxaana codsiyadooda fiisaha Schengen lagu qaban doonaa 45 maalmood gudahood, halka 15 maalmood ee caadiga ah laga qaadanayo dalalka kale.

Qaar ka mid ah sharciga fiisaha Schengen ee Soomaalida ayaa laga yaabaa in la joojiyo, oo ay ku jirto suurtagalnimada in laga dhaafo shuruudaha soo gudbinta dukumentiyada caddaynta.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan ayaa sanad kaste iska dhiiba Waddamada Yurub, kaddib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan.

Itoobiya iyo Gambia ayaa ah qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub uu ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah.