7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2024
Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda
 

Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (HOL) - Laba horjooge oo waqti dheer ka tirsana kooxda Al-shabaab ayaa Shalay galinkii dambe  isku soo dhiibay gacanta ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ah Cabdi Maxamed Caraaye oo magaciisa Afgarashada ee kooxda Al-shabaab ugu yeerto uu yahay Cabdirashiid, kaasoo kooxda u qaabilsana dhanka Maaliyada, wuxuuna isku soo dhiibay Ururka 26-aad guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan deegaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeeladda hoose.

Horjoogahaan ayaa kooxda ka tirsana mudo 14 sano ah, wuxuuna sheegay in haatan uu go'aan saday inuu isaga soo baxo kooxda oo uu isku soo dhiibo gacanta dowladda Fedaraalka.

Waxaa sidoo kale gacanta ciidanka xoogga dalka isku soo dhiibay horjooge Qaliif Maxamed Cabdi oo magaciisa afgarashada ee kooxda lagu sheegay Khaliid, kaasoo isna 10 Sano ka tirsanaa Al-shabaab iskuna soo dhiibay ciidanka xooga, gaar ahaan ururka 19-aad ee guutada 3-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Isa soo dhiibista ragaan ka tirsana Al-shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyadoo howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobolada dalka ay kordheen bilihii la soo dhaafay, taasoo keentay in xubno badan oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogayaal iney isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.