7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2024
Dowladda Fedaraalka oo cunaqabateyn maaliyeed saartay horjoogayaal sar sare oo ka tirsan Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 18, 2024 (HOL) - Guddiga Qaran ee ka hortaga lacag dhaqida iyo la dagaalanka maal galinta argagixisada ayaa soo saaray liis cunaqabateyn ah oo lagu bartilmaameedsanaayo horjoogayaal sar sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Qoraalka kasoo baxay guddigaan ayaa lagu sheegay in la sido kale la cunaqabateyn doono cid walba oo taageerta kooxda Al-shabaab, waxaana liiska dadka kasoo muuqday ka mid ah horjoogayaal caan ka dhex ah kooxda Al-shabaab oo uu ka mid yahay ku xigeenka horjoogaha kooxda Shabaab Mahad Karateey.

“Guddigu wuxuu uga goleeyahay in uu la dagaalamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka, Aqoonsiga iyo cunaqabataynta shakhsiyaadka iyo hay’adaha xiriirka la leh Khawaarijta, Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo, isla markaana la cunaqabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’adaha taageera argagixisada, si sare loogu qaado nabadgalyada dalka,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Liiskaan ay soo saareen guddiga Qaran ee ka hortaga lacag dhaqida ayaa lagu shaaciyay magacyada, xilalka iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan sideed ka mid ah horjoogayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ee lagu soo rogay cunaqabateynta maaliyadeed.

Hoos ka akhriso liiska oo faahfaahsan:-