7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2024
Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka Sidda oo dil ku xukuntay taliyihii hore saldhigga Huriwaa
 

Khamiis, Luulyo, 18, 2024 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sidda, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday taliyihii saldhigga Booliiska ee degmada Huriwaa, Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, xukunkaaas oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka Sidda ayaa waxay aqbashay xukunkii ay horey u ridday maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada dalabkii Sida, waxayna sheegtay in eedeysanayaasha ay ku cad yihiin dambiyada lagusoo oogay.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah ku xukuntay Xabsi Daa’in, halka Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Maxamed Saciid (Dhiin-Dhiin) lagu xukumay min todobo sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunkaan waxaa ku dhawaaqay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukumanayaashan ayaa loo haystaa dilkii, afduubkii iyo dhacii loo geystay  ganacsade Abuukar Axmed Kaabax,  labadii bishii February ee sanadkaan.