7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2024
Ugaaska beesha Sade: Waa nasiib darro in ay dowladda Federaalka u goodinayso shacabka Cabudwaaq
 

Khamiis, Luulyo, 18, 2024 (HOL) - Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah ugaas guud ee beesha Sade ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gooddisay shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay gobolka Galgaduud.

Ugaas ayaa sheegay, dowladda Federaalka in aysan waxba kasoo qaadin sida uu sheegay qatarta ay baajiyeen shacabka hubkaas gacanta ku dhigay oo uu sheegay in loo geystay xasuuq bahalnimo ah.

Waxa uu intaas ku daray in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, aysanna jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis.

“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka shircidarrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay Waqooyiga Galgaduud, 16kii July 2024. Hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Ugaasku wuxuu sheegay, ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas in ay ku fashilmeen in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taa beddelkeeda ugu jawaabeen sida uu sheegay xasuuq galaaftay 12 qof, halka ay ku dhaawacmeen 50 muwaadin.

Ugu dambayn Ugaasku wuxuu dalbaday in si deg deg ah ay Dowladda Federaalka u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ku dhintay  deegaanka Shiilmadow ee degmada Caabudwaaq.