7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2024
Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo Maanta gaaray Caabudwaaq
 

Khamiis, Luulyo, 18, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud gaaray masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminaayo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Wafdigaan isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa tagistooda Caabudwaaq waxay la xariirta sidii ay u soo aruurin lahayeen hub dhawaan ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad hubeysan, kaasoo ka yimid dhanka Itoobiya.

Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiir Fartaag ayaa lagu wadaa in halkaas kulamo kula qaataan waxgaradka deegaanka oo ay kala hadli doonaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee gacanta u galay dadka shacabka ah.

Deegaanka Shiil madow oo ka mid ah deegaanada hoostaga Caabudwaaq ayaa todobaadkaan gudahiisa waxaa ku dagaalamay ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo  maleeshiyaad hubeysnaa oo boobay gaadiid Xamuulka ahaa oo ay ku rarnaayeen hubka faraha badan ee kala duwanaa, waxaana dagaalkaas ku dhintay tobaneeyo ruux oo labada dhinac ah.

Ugu dambeyntii hubkaan ayaa la sheegay inuu u rarnaa ganacsto, waxaana gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo ku boobay gaadiidkii hubka siday deegaanka Shiil madow, waxaana hubkaan uu hadal heyn badan iyo kala shaki ka dhex abuuray dadka Soomaaliyeed, iyadoo dowlada Fedaraalka ay sheegtay in hubkaas uu ahaa mid si sharci daro ah kusoo galay gudaha dalka ayna boobeen maleeshiyaadka.