7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2024
Ciidanka dowladda oo nolosha ku qabtay Itoobiyaan ka tirsan kooxda Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 18, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal ka dhacay deegaanka Beerayabaal kusoo qabtay nin Ajnabi oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-shabaab.

Ninkaan Ajnabiga ah ee ciidamadu gacanta  kusoo dhigeen ayaa ah Itoobiyaan kasoo jeeda Qowmiyada Oromada, kaasoo qeybo ka mid ah jirkiisa ay ku taalo Shabad ka sameysan calaamada Taatuu oo ka mid ah calaamadaha gaalada.

“Maleeshiyaad khawaarijta ayaa inta badan waxay ku Adeegtaan dadka dambiyada ka soo galay waddamada ay ka soo jeedaan ninkana kuwaas ayuu ka mid yahay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Qabashada ninkan ayaa timid, kadib howlgalo daba socday dagaal laba maalin ka hor ka dhacay nawaaxiga deegaanka Beerayabaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ka sameeyeen ciidanka is kaashanaya.

Ugu dambeyntii bariga goboka Hiiraan waa halka kaliya ee kooxda Al-shabaab lagu jabiyay tan iyo markii uu bilaawday howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab dhamaadkii sanadkii asoo dhaafay ee 2023, marka loo eego gobolada kale ee dalka sida ay ugu xoogan yihiin kooxdu.