7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2024
Qaar kamid xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay dacwada ka dhan ka ah Xildhibaan Maxamed Abiib
 

Khamiis, Luulyo, 18, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah Xildhibanaanada Golaha Shacabka Dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareeyay soo jeedinta Garyaqaanka Guud ee Somaliland uu Golaha Wakiilada kaga codsaday in xilka laga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaanadan oo kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal ayaa sheegay in Xildhibaan Abiib uu huwanyahay xasaanad isla markaana anay suuragal ahayn in xilka laga qaado.

"Xildhibaan Maxamed Abiib waxa soo doortay dadwaynaha gobolka Awdal, waxa uu huwanyahay xasaanad, xasaanaduna maaha qolyar oo inta laysku soo xidho layska qaadi karo, waxaanu isku raacsanahay in hadii Abiib la taabto inta kale ee reer Awdal na ay is casilaan" Xildhibaan Caasha Koos ayaa sida tidhi.

Waxa ay sheegtay in lagu haysto in uu Jabuuti tagay oo uu booqday safaarada Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaantay talaabo aan danbi ahayn, waxayna sheegtay in madaxda sare ee Somaliland ay mudanyihiin in lala xisaabtamo.

Waxa ay sheegeen in Xildhibaan Maxamed Abiib uu shacab soo doortay isla markaana uu mataladaad ku joogo golaha, hadii la taabtana ay shacabka reer Awdal ka tashandoonaan ka mid ahaanshaha Somaliland.

Garyaqaanka Guud ee Somaliland ayaa golaha wakiilada u gudbiyay warqad uu ku codsanayo in Xildhibaan Abiib xasaanada lagaga qaado.