7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2024
Madaxda magaalada Minneapolis oo baajiyay safar ay ku tagi lahaayeen Soomaaliya
 

Khamiis, Luulyo, 18, 2024 (HOL) - Madaxda magaalada Minneapolis ayaa baajiyay safar ay horraantii sanadkan ku tagi lahaayeen Soomaaliya maalmo ka hor inta aysan duulin.

Safarkooda oo ku saabsanaa in la dhiso isku xirka bulshada Soomaalida iyo Maraykanka ayaa u baaqday sida la sheegay sababo amaan awgeed.

Masuuliyiinta qorshaynayay inay safar ku tagaan Soomaaliya waxay kala ahaayeen duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo taliyaha booliiska Brian O'Hara.

Saddex maalmood oo kaliya ka hor markii ay ku ballansanaayeen inay dhoofaan soomaaliya, ayaa safarkoodii la baajiyay.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay Soomaaliya u aadayaan, waxay sheegeen, in ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada Soomaalida, islamarkaasna safarkani uu fursad u siin lahaa inay wax badan ka ogaadaan dhaqanka Soomaalida, iyo la kulan madaxda muhiimka ah ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ayaa ka soo horjeestay safarkaas, waxaana safarkaasi uu sababay kala qeybsanaan soo kala dhexgashay bulshada Soomaaliyeed.  

Shaqaale ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa xafiiska Frey u soo diray la-talin ah in aysan u safrin Soomaaliya, illaa amar dmabe.