7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2024
Xildhbaan Maxamed Abiib oo si adag uga jawaabay dacwada lagu soo oogay
 

Arbaco, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa been raqiis ah ku tilmaamay dacwada uu soo jeediyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ee golaha wakiilada lagaga codsaday in Abiib xilka lagaga qaado.

Xildhibaanka oo Hargaysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in xukuumada Biixi ay weerarayso cidkasta oo farta ku fiiqda kadib markii ay ku guuldaraysatay hawlihii loo xilsaaray.

"Markii dalkan loo shaqaynwaayay ayaa lala coloobaya cidkasta oo ka jooga tidhaa caadooyinka xun xun ee madaxdeena, horayna waa loola coloobay, dhamaanteen waxa ina mudan in aynu difaacno xoriyada iyo xuquuqaha" ayuu yidhu Xildhibaan Abiib.

Waxa uu sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin been raqiis ah isla markaana aanu Somaliland meel kale ku doorsanayn, waxa uu sheegay in hadii uu dhulkiisa khayaamayo uu marka hore qaadan lahaa lacago musuq maasuq ah oo uu sheegay in loo soo bandhigay.

Waxa uu dhanka kale sheegay in uu iscasilidoono hadii ay shacabka reer Awdal u sheegan in anay matalaadiisa ku qanacsanayn, "lakiin sheeko laysku soo aad aadiyay oo siyaasiyiin saaqiday iyo inamayar yar oo qabyaaladii daashatay ay keneen aniga laygaga qaadi maayo" ayuu yidhi Xildhibaan Abiib.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Prof. Faratoon ayaa si gaara loogu aanaynayaa dacwada ka dhan ka ah Abiib kadib markii ay dhawr jeer isku afdhaafeen fadhiyo uu goluhu lahaa, iyada oo la arkayay xildhibaanka oo guddoomiyaha ku leh "Aamus"Maxaadtahay?" iyo erayo kale.