7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2024
Galmudug oo sheegtay hubkii gacanta u galay shacabka Cabudwaaq in loo waday Shabaab iyo iska horkeenidda bulshada
 

Arbaco, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa sheegay hubkii maalmo ka hor gacanta u galay ciidamo maleyshiyo beeleed oo kasoo jeeda Cabudwaaq, inuu ahaa hub sharci darro ah oo loo waday in loogu adeego danahada kooxda Alshabaab, iyo iska horkeenidda shacabka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inuu maamulku tallaabo ka qaadi doono cid walba oo ku lug lahayd hubkaas in lasoo galiyo gudaha deegaanada Galmudug.

“Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Galmudug.

Galmudug marnaba masoo hadal qaadin in ay doonayso in hubkaas lagasoo celiyo gacanta shacabka.  Waxayse sheegtay in ay ku guda jirtaa sidii caddaaladda loo hor keeni lahaa dadkii ka dambeeyay hubkaas in lasoo galiyo degaanadeeda.