7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2024
Ciidanka ATMIS oo dad shacab ah ku gowracay deegaanka Buulo Mareer
 

Arbaco, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda in dad shacab ah ay ku dileen deegaanka Buula mareer.

Ciidanka ATMIS ayaa la sheegay in beer ku taala deegaanka Buula mareer ay ugu galeen sadax ruux, dababeedna labo ka mid ah sadaxda ruux ay dileen kadibna ay gowraceen, halka qofka sadaxaadna la sheegay inuu baxsaday isagoo dhaawac ah.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Kuntuwaarey ee gobolkaas Maadeey Jeylaani Cali oo ku sugan deegaanka Buula Mareer ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka ATMIS ay toogteen labada ruux ee shacabka ah kadibna ay gowraceen.

“Ciidanka ATMIS markii ay labada ruux xabada ku dhufteen way gowraceen, iyaga oo roondo ku jira ayay ka shakiyeen ragaan wayna toogteen kadibna way Gowraceen, Saddex qof ayay ahaayeen, labo ayay dileen halka mid kale oo dhaawac ah uu baxsaday, mudo labo bil laga joogo ayay sidaan oo kale u dileen Nin Beeraha kasoo laabtay” ayuu yiri guddoomiye Maadeey Jeylaani Cali.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ATMIS iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaan sida weyn uga argagaxeen dadka ku nool deegaanka Buulo mareer.

Si kastaba ha ahaatee dadka reer Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka dalbaday in lala xisaabtamo ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Shabeellaha Hoose oo marar badan si bareer ah u dilay dad shacab ah oo  Beeralay ah.