7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2024
Xil: Maalik Cabdalla: Hubka ay qabteen reer Cabudwaaq waxaa loo waday in loo geeyo Shabaab
 

Arbaco, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa soo dhoweeyay tallaabadii reer Cabudwaaq ay gacanta ugu dhigaan hub sharci darro ah oo Ethiopia laga keenay.

Xildhibaanada ayaa qaarkood sheegay in hubkaas loo waday kooxda Alshabaab, waxayna sheegeen in reer Cabdudwaaq ay qaadeen tallaabo geesinimo leh oo hubkaas looga badbaadiyay inuu gacanta u galo Alshabaab.

Xildhibaanadu waxay ka digeen, in dowladda Federaalku awood ay u adeegsato shacabka Cabudwaaq, iyadoo doonaysa inay dib ugasoo celiso hubka gacantooda galay.

“Anigoo kamid ah xildhibaanada abaabulayay mucaawisleyda, waxaan aaminsanahay in hubkaas uu Shabaab u gali lahaa, laguna baabi’i lahaa. Waxaan shacabka Cabudwaaq ugu baaqayaa inuusan hubkaas gacantooda ka bixin, ” ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla.

Xildhibaan Maalik ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay tallaabo ka qaado dadka hubkaan dalka soo galiyay, isagoo sheegay, dowladdu inay hadda diiradda saarayso shacabka Cabudwaaq, halka la rabay in dadkii hubka dalka soo galiyay lasoo qabto, lana maxkamadeeyo.

Si kasta ha ahaatee, hubkaan sharci darrada ah ayaa noqday hadal daynta ugu xooggan gudaha Soomaaliya. Dad badan ayaa sheegay in qaadista cunabaqataynta hubka ee laga dhaxlay in dalka hub sharci darro ah lasoo galiyo.