7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2024
Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Arbaco, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Inta la xaqiijiyay laba ruux oo kala ah Askari ka tirsan ciidanka dowladda iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay qarax Miino oo goordhow ka dhacay Maqaayad ku taala Xaafada Xaawo Taako, gaar ahaan laanta Guufaale ee magaalada Baladweyne.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaan ka dhacay oo Maqaayada Haweeneydii ku ganacsaneysay, taasoo la geeyay mid ka mid ah goobaha Caafimaadka ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maqaayada uu ka dhacay qaraxaan miino ayaa la sheegay iney fariisan jireen dad u badan askarta dowladda, waxaana qaraxa kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmada Baledweyne oo joojiyay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, kuwaas haalkaas ka wada Baaritaan.

Qaraxaan miino ee jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe magaaladu ka yaraadeen qaraxyada noocaan oo kale ah, waxana xusid mudan in magaalada ay wali ku loolamayaan muumulideeda Hiiraan State iyo Hirshabeelle.