7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2024
Somaliland oo ku baaqday in dibu-qiimayn lagu sameeyo go'aankii cunaqabataynta hubka looga qaaday Soomaaliya

Arbaco, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubka gacanta u galay maleeshiiyo beeleedka degmada Caabudwaaq ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in qaadistii cunaqabataynta hubka Soomaaliya anay ahayn go'aan sax ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa lagu sheegay in saddexdii billood ee lasoo dhaafay ay kooxda Al Shabaab dowlada ka qabsatay hub tiro badan.

"Sidoo kale, dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalku waxa kale oo lagu sheegay in xaalada hada soo cusboonaatay ay tahay mid digniin u diraysa wadamada jaarka la ah Soomaaliya, ayna muujinayso in go'aankii cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya aanu ahayn mid xikmad ku dhisan.

Ugu danbayn, waxay Somaliland beesha caalamka ugu baaqaysa in dibu-qiimayn lagu sameeyo cunaqabataynta hubka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase kale ayaa lagu yidhi qoraalka.

Maleeshiyo beeleed ayaa Isniintii gacanta ku dhigay laba baabuur oo hub ah degmada Caabudwaaq, dhaca hubka ayaa imanaysa kadib markii cunaqabatayntii 30 jirsatay ee hubka laga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore.