7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2024
Taliska ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaano dhawaan laga xureeyay Al-shabaab
 

Arbaco, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeer ku tagay deegaano ku yaala gobolka Galgaduud oo dhawaan laga xureeyay kooxda Al-shabaab.

Deegaanada uu tagay taliyaha dhulka ayaa kala ah Waniile iyo Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo todobaadyo ka hor dagaalo qaraar ku dhaxmareen ciidanka dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Taliye Dayax Cali Cabdulle ayaa saraakiisha ciidanka ee ku sugan deegaanadaas ku  amaanay sida ay ugu dhabar adeegayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isagoona ku dhiiragaliyay ciidanka iney sii wadaan dagaalka dalka looga xureynayo kooxda.

Booqashada taliyaha ciidanka dhulka uu ku tagay deegaanadaan hoostaga Ceeldheer ayaa kusoo beegmeya, iyadoo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay si weyn u kordheen todobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo xoogooda ka socda maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug.

Ugu dambeyntii maalin ka hor ayay aheyd markii lagu dilay 50 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab howgal ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalooyinka Masagawaay iyo Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.