7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2024
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta xukuno dil iyo xabsi ah ku riday sadax Askari
 

Talaado, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday sadax askari oo ka kala tirsana ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Sadaxdaan askari oo laba ka mid ah ay ka tirsanayeen Hay'adda NISA ayaa ku eedeysnaa dil, dhac iyo afduub oo ay ka gudaha magaalada Muqdisho.

Ragaan ayaa la sheegay in 10-kii bishii April ee sanadkaan inta u dhaxeysa degmooyinka Dayniile iyo Garasbaaley in rasaas ay fureen uu ku naf waayay Arday lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo sanadkaan bilaaw u aha Dugsiga Sare, kaasoo da’diisu ahayd 18 sano.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dhowr jeer u fariisatay kiiska Ragaan ayaa ugu dambeyn maanta waxay ku kala xukuntay Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage oo loo yaqaano Qataatow iyo Dable NISA Cabdi Axmed Caddow dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq, halka Dalbe NISA Farxaan Aadan Nuur lagu xukumay Xabsi ciidan oo 3 sano ah.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  ku dhawaaqay Xukunka Ragaan lagu riday, isagoona sheegay hadii aysan ku qancin xukunka iney Racfaan ka qaadan karaan.