7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2024
Rag ka tirsanaa Al-shabaab oo goordhaw lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Kismaayo
 

Talaado, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saakay xukuno dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsana kooxda Al-shabaab oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo.

Shantaan xubnood ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana ku sugnaa fagaaraha toogashada ka dhacday saraakiil ciidan iyo qaar ka mid ah dadka reer Kismaayo oo u soo daawasho tagay.

Ragan ka tirsanaa Al-shabaab ee saakay toogashada lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Abukar, Cismaan Maxamed Mursal, Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan iyo Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo ka tirsanaa waxgaradka deegaanada Jubbaland oo ay maxkamadu ku heshay inuu ka tirsanaa waxgaradka la shaqeeya Al-shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada Jubbaland Gaanshaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha ragaan lagu toogtay ayaa sheegay in cid walba oo dil geysata sidaan oo kale loo dili doono.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa sidaan oo kale marar badan xukuno dil toogasho ah ugu fulisay xubno lagu helay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in wali xabsiyada Kismaayo ay ku xiran yihiin xubno kale oo ka mid ah Al-shabaab oo xukun sugayaal ah.