7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2024
Puntland: Hubka lagu qabtay Shiilo Madow waa naiitjada qaadista cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee lagu degdagay
 

Talaado, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa sheegay hubkii shalay lagu qabtay degaanka Shiilo Madow ee gobolka Galgaduud uu khatar weyn ku yahay xasiloonida Gobolka iyo Nabadda Soomaalida dhexdeeda.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi faarax Saciid Juxa ayaa sheegay, hubkaan sharci darrada ah ee lagu qabtay gobolka Galgaduud inuu qeyb ka yahay natiijada ka dhalatay qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay ahayd tallaabo lagu degdagay.

“Waa khalad weyn in xayiraadda hubka laga qaado dal aan lahayn Dawlad sharci ahaan iyo siyaasad ahaan heshiis lagu yahay. Dal aan sugi karin xuduudiisa, kana wada talin dalkiisa; dadkiisuna heshiis ahayn,” ayuu yiri wasiir Juxa.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab ayaa dhankiisa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay doonayso inay dagaalo sokeeye ka curiso Puntland iyo Galmudug. Wuxuuna sheegay ujeeddada laga leeyahay in ay tahay si aan doorasho iyo isla xisaabtan looga hadlin muddo kororsina uu u helo madaxweyne Xasan Sheikh.

“Hubka gacanta u galay bulshada Caabudwaaq wuxuu ka mid yahay hagardaamooyinka iyo dagaalada sokeeye ee dowladda Federaalku ka waddo Mudug iyo Galgaduud oo hubkaanu ku socdey si loo khalkhalgaliyo nabadda Puntland iyo Galmudug,” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda.

Puntland ayaa horey u sheegtay in labada sano ee uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud xilka hayo, inay sii kordheen colaadda beelaha dhexdooda ah iyo kala aamin baxa qabaailada wadda deggen.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax jawaab ah kama bixin dhacdada hubka, iyo eedeymaha loo jeedinayo ee ku saabsan in ciidamada NISA ay ku lug lahaayeen hubkaan gudbintiisa.