7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2024
Xildhibaan Maxamed Abiib oo dacwad maamuus ka xayuubin ah laga gudbiyay
 

Talaado, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa Golaha Wakiilada usoo jeediysay in maamuuska laga xayuubiyo Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Waraaq uu ku saxeexanyahay garyaqaanka guud oo ay xeer ilaalintu ku codsanayso in maamuska lagaga xayuubiyo Xildhibaan Abiib, ayaa loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Xaaji Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Hadaba, siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay soojeedinta garyaqaanka guud, Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, oo warbaahinta la hadlay ayaa Faratoon ku eedeeyay in uu ka qariyay warqada isla markaana uu u gudbiyay guddida joogtada ah ee golaha.

Guddoomiye Jibriil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dacwada Abiib aan la marin wadadeedii, isla markaana uu gudduumiyuhu ka qariyay, isaga oo sheegay in uu mooshin ka keenidoono Faratoon hadii aanu sharciyada kusoo noqon.

Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi, oo uu Abiib ka tirsanyahay ayaa soojeedinta garyaqaanka guud ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, iyo talaabo aan meelmar ahayn.

Sida Uu Guddoomiye Jibriil sheegay xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay dacwado ay kamidyihiin in uu Jabuuti kula kulmay madax ka tirsan dowlada Soomaaliya, sidookale ma fiicna xidhiidhka Abiib iyo Faratoon kadib is afdhaaf dhawrjeer golaha ku dhexmaray.