7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidamadeeda laga furtay hub sharci darro ah oo gacanta kusoo dhigeen
 

Talaado, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay maanta ka hadashay hub sharci darro oo gacanta u galay ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo kasoo jeeda degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay, in hubkaas oo uu ahaa hub sharci darro ah oo ay ciidamada dowladdu gacanta kusoo dhigeen ka hor inta uusan u gacan galin ciidamo maleyshiyaad ah oo jidka u galay hubkaas.

Wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay aad uga xun tahay maleyshiyaaadka  waddada u galay ciidamada dowladda, waxayna sheegtay inay ka go’an tahay in hubkaas lagusoo celiyo gacanta hay'adaha amniga ee dowladda.

Dowladdu waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka in ay kala qeyb qaataan sidii hubkaas lagusoo celiyo gacanta dowadda, iyadoo sheegtay in loo adeegsan karo hurinta colaadaha  beelaha, ama inuu gacanta u galo Alshabaab.