7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2024
Maamulka Galmudug oo ka hadlay hub fara badan oo gacanta u galay maleyshiyaad kasoo jeeda Cabudwaaq
 

Talaado, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday markii  Labo gaari oo xamuul ah oo siday hub ka yimid dalka Ethiiopia ay ku dagaalameen ciidamo ilaalo ka ahaa hubkaas, iyo maleyshiyaad kasoo jeeda degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Maleyshiyaadka deegaanka ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen guud ahaan hubkaas oo isugu jiray nuucyo kala duwan.

Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug, Cali Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay BBC Soomaali, ayaa u sheegay in baabuurta hubka sidday markii hore lagu sheegay inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, balse wuxuu sheegay in mar dambe uu yimid tuhun, kaasoo keenay in malayshiyaadka degaanku ay jid gooyo ugu dhigtaan deegaanka Shiilo Madow, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay ilaalada hubka iyo maleyshiyaadka.

Wasiir ku xigeenka amnigu wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababta loosoo galiyay Galmudug. Wuxuu sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah. Isagoo tilmamay inuu qeyb ka qaadan karo colaadda gobolka.

Cali Baashi wuxuu sheegay in aysan xaqiijin karin in ciidamo nabad sugid ah ay hubkaan ilaalo ka ahaayeen, balse wax kaste lagu ogaan doono markuu soo dhamado baaritaanka socda.

Dhinaca kale, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo ah ugaaska beesha Sade, ayaa masuuliyad darro weyn ku tilmaamay waxa ka dhacay Shiilo Madow. Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay waddo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay kaga jawaabayso hubkii gacanta u galay maleyshiyaadka.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka inay ciidankeeda xakamayso oo aanay samayn wax tallaabo ciidan ah. haddii kale wuxuu sheegay inay iyadu qaadi doonto masuuliyad darrada ka dhalata.