7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2024
Dowladda Fedaraalka oo si adag uga jawaabtay dhaliilo la xariira iney ku fashilantay dagaalka Al-shabaab
 

Talaado, Luulyo, 16, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa si adag uga jawaab celiyay dhaliilo loo jeediyay dowladda Fedaralka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa ka jawaabay dhaliilo Villa Soomaaliya ay u jeediyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo marar badan ku dhaliilay dowladda Fedaraalka iney ku fashlintay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Wasiir Alcadaala ayaa tilmaamay in siyaasiyiin ku fashilmey siyaasadda ay Warbaahinta maalin kasta la taagan yihiin dhiiragalinta cadawga umada dhibaateeya ee Al-shabaab.

“Runtii waaan ka xumahay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed macaash ka raaadiyaan in cadawga umada Soomaaliyeed ee Khawaariijtu ugu horeeyaan nooleeyaan, waa cadeysteen in Al-shabaab afka ay ku tageeraan waxaanad arki kartaa waxay qoraan guulaha dadka Soomaaliyeed iyo dowladu gaarayso kama hadlaan mana bogaadiyaan badalkeed waxay jeclaan lahayeen u hamuun qabaan in guuleysto cadawga Khawaariijta ah ay niyad yeeshaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Warfaafinta Alcadaala.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Alcadaala in Xukuumadda hadda jirta guulo la taaban karo ka gaartay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoona dhankiisa ku dhaliilay dowladii Farmaajo in sidii loo baahna aysan ula dagaalamin kooxda Al-shabaab.

Wasiirka oo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanayay siiyay BBC Somali ayaa sidoo kale ka hadlay damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan helista qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliyeed.

"Abiy Axmed waxaan leeyahay haku mashuulin Soomaaliya ee ku mashquul xal u helista mushkiladaha ka dhex jira dalkaada oo aan ognahay waxa ka jira, dowladda Fedaraalka waxaa ka go'an in si walba oo ay ku difaaci karto dhulkeeda iyo badedda iney uga difaacdo cadaw walba oo soo hajuuma" ayuu yiri Wasiir alcadaala.

Wareysiga Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmo kooban ka hor wareysi uu bixiyay Lataliyahii amniga qaranka ee Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali uu ku baaqay in dowlada Fedaraalka hadii ay iska dhicin karin Itoobiya iney u baneyso kooxda Al-shabaab oo uu sheegay iney iska dhicin karto Itoobiya.