7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2024
Somaliland oo xabsi ku xukuntay nin Wasiiru-dowle hore uga soo noqday Puntland
 

Talaado, January, 9, 2024 (HOL) - Maxkamad ku taala magaalada Hargaysa ayaa sannad iyo badh xadhiga ku xukuntay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo Wasiiru-dowle kasoo noqday Puntland, kaasi oo lagu eedeeyay basaasnimo.

Sida ay baahisay Hay'adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, Kulmiye ayaa lagu helay in uu xubin ka yahay Sirdoonka Soomaaliya, iyo in uu falal amaan daro ka maleegayay guddaha Somaliland.

"Garsoorka Somaliland ayaa sannad iyo badh xadhig ah ku xukumay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo kamid ahaa shaqsiyaad sirdoonka Soomaaliya u qaabilsanaa khalkhal galinta amniga iyo siyaasadda" ayaa lagu yidhi warbixinta NIA.

Kulmiye ayaa xabsiga la dhigay 17-December 2023, iyada oo ay soo xidhay hay'adda NIA, isla markaana lagu eedeeyay isla danbiyada maanta la sheegay in lagu helay.

Marka laga yimaado warka hay'adda sirdoonka ma jiro wax war ah oo kasoo baxay garsoorka, ama dhinaca eedaysanaha.