7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2024
Somaliland oo jawaab ka bixisay eedayn uga timid dowlada Soomaaliya

Talaado, January, 9, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa hadal quudhsi iyo is yeel yeel ah ku tilmaantay hadal ay dowlada Soomaaliya ku sheegtay in Somaliland ay cabudhin ku hayso dadka kasoo horjeeda heshiiska bada ee Itoobiya.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Somaliland, oo lagaga jawaabay eedaynta dowlada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sirdoonka dowlada federaalku uu maalmihii u danbeeyay beegsi ku hayay dadka kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, isla markaana qaar kood gacan ka hadal lagu weeraray.

Somaliland waxay dowlada federaalka ku eedaysay in ay shacabka Somaliland ku marin habaabinayso hadalo ay ugu yeedhay yasmo, iyo magacyo aan haboonayn, sida gobolada waqooyi.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhamaystiran:-