7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmaha soo socda safar ku tagaya dalka Masar
 

Talaado, January, 9, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad ka helay dhiggiisa dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi.

Wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku tagay Muqdisho, ayaa madaxweynaha Soomaaliya u geeyay casuumad uga timid madaxweynaha dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo aaddan halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda saari doono xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay caddaysay in labada dal ay kawada hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la xiriira damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid damaca Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Masar ayay sidoo kale isku hayaan Ethiopia webiga Niilka, kadib markii dowladda Ethiopia ay biyo xireen weyn ka sameysay webiga Niil, taasoo Masar u aragto tallaabo halis ku ah mustaqbalka biyaha webiga Niil