7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2024
Burcadbadeeda Soomaalida oo siidaayay 9 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Yemen oo ay afduub ku haysteen
 

Talaado, January, 9, 2024 (HOL) - Sagaal kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Yemen oo ay qafaasheen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa la sii daayay, waxaana ay ku sii jeedaan dalkooda, sida ay eheladooda u sheegeen wargeyska Arab News.

Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii kooxo burcad badeed Soomaali ah ay 43 kalluumeysato ah ka afduubteen degmada Xaafuun ee gobolka Bari. 34 qof kamid ah ayaa laga sii daayay gudaha Soomaaliya.

Ehelka mid ka mid ah dadka la afduubtay ayaa sheegay in taleefoon ay ka heleen kalluumeysatada oo lagu ogeysiiyay siideyntooda, waxaana ay sheegeen inay dib ugu laabanayaan magaalo xeebeedka Al-Mukalla ee koonfurta Yemen.

"Waxaan dalbanaynaa in la joojiyo burcad-badeednimada, waxaana ku boorrinaynaa Hawl-galka Barwaaqo-sooranka (waa hindise milateri oo Maraykanku hoggaaminayo si looga jawaabo weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta badda cas) in aan loo arkin wax doon ah oo iyaga ku soo wajahan cadow iyo in la kala saaro kalluumaysatada iyo Xuutiyiinta." Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ehelka la haystayaasha lasii daayay.

Waxa ay xuseen in dadka Yemeniyiinta ah ay inta badan ka kalluumeystaan biyaha Soomaaliya kadib markii ay ogolaansho ka helaan maamulka Puntland.

Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee UK, oo la socota dhacdooyinka ka dhaca badda, ayaa sheegtay Isniintii inay heshay digniin ka timid Badda Cas oo ku saabsan laba doonyood oo yaryar oo aan la aqoonsan oo ku soo wajahan markab ganacsi oo ku sugan meel 50 mile koonfur-bari ka xiga dekedda Mocha ee Yemen.