7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2024
Shabakad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo Maanta lagu soo bandhigay Baledweyne
 

Talaado, January, 9, 2024 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kusoo bandhigay shabakad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgal ciidamada NISA ay ka sameyeen xaafadaha magaalada Baledweyne oo lagu xaqiijinaayay amniga guud ee magaalada ayaa shabakadaan lagu soo qabtay.

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in xubnahaan lasoo qabtay ay doonayeen iney u gudbaan gobolka Galgaduud oo ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Shakabadan lasoo bandhigay ayaa tiro ahaan ka kooban 10 ruux oo dhamaantood ah rag dhalinyaro ah.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa marar badan gacanta ku dhigay dad ay sheegeen iney kusii jeedeen deegaanada ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab iyo sidoo kale gaadiid agabyo kala duwan u waday kooxda Shabaab.