7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 9 , 2024
Ciidanka Danab oo ka horyimid natiijada doorashada madaxweynaha Puntland
 

Talaado, January, 9, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Danab ee taabacsanaa mucaaradka Puntland, ayaa ka horyimid natiijadii kasoo baxday doorashada madaxweynaha Puntland ee shalay ka dhacday magaalada Garowe.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid uu isku caleemo saaray madaxweynaha talada haya ee Siciid Deni.

Danab waxay ku eedeeyeen ciidanka amniga inay dil, dhaawac iyo xarig u geysteen dad shacab ah oo ka horyimid doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Waxay sheegeen inuu maamulku qaadayo cawaaqib xumada ka dhalata waxay ugu yeereen boobka doorashada madaxweynaha.

Hadalkooda ayaa kusoo aaday, iyadoo dhinacyadii doorashada looga guulaystay ay soo dhoweeyeen natiijada doorashada, islamarkaana ay sheegeen inay la shaqeynayaan madaxweynaha la doortay.