7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2024
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland oo dhigay mudaharaad ka dhan ah damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya
 

Axad, January, 14, 2024 (HOL) - Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Switzerland, ayaa dhigay mudaharaad looga soo horjeedo gardarrada  Itoobiya ee damaca badda Soomaaliya.

Jaaliyadda ayaa taageeray mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay doonayso inay xoog ku qabsato.

Waxay soo dhoweeyeen baaqa madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan in jaaliyadaha Soomaaliyeed ay codkooda ku muujiyaan sida ay ugasoo horjeedaan xadgudubka Itoobiya ku hayso dhulka Soomaaliyeed.

Mudahaaradyaashu waxay farriin adag u direen raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, iyagoo sheegay inuu dib usoo noolaynayo cadaawaddii Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxayn jirtay.

Dibad baxayaashu waxay wateen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay kamid yihiin,” Badda Soomaaliya waxaa leh Soomaali”.

Jaaliyadda Switzerland waxay ugu baaqeen dhammaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha inay sameeyaan iskusoo baxyo loogasoo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa horraantii bishaan heshiis isgarad ah la gaartay Somaliland, iyagoo kula heshiiyay inay deked iyo saldhig milatari ka sameystaaan badda Saylac, taas beddelkeedna waxay Itoobiya sheegtay inay aqoonsi caalami ah siinayso Somaliland.

Itoobiya ayaa cambaarayn iyo cadaadis caalami ah kala kulantay heshiiskaas, inkastoo ay sheegeen in aanay ka hor istaageen dhaqan galinta heshiiskaas.